Pi (Pi Network) waa mashruuc cusub oo ku dhisan tiknoolajiyadda blockchain, kaas oo u oggolaanaya dadka inay ka sameeyaan lacag dijital ah si toos ah uga dhex sameeyaan taleefanadooda gacanta. Waxaa la bilaabay Pi (14-ka May, 2019) waxaana aasaasay koox wax ku soo bartay Jaamacadda Stanford, iyagoo ujeedkoodu yahay in la helitaanka lacagaha dijitaalka ah isla markaana laga dhigo baadhista mid ay heli karaan dadka aan khabiirka ahayn.
Sida lagu xusay warqadda cad (whitepaper) iyo
xayeysiiska mashruuca, Pi waxaa lagu sifeeyay inuu yahay madal bulsho oo “koronto-yar”
isticmaasha, taas oo dadka isticmaala – oo loo yaqaan Pioneers – ay ku helaan lacagta Pi adigoo si fudud u
riixaya 24 saacadood hal mar Pi. Si ka duwan Bitcoin, baadhista Pi uma baahna
qalab awood badan leh ama agab khaas ah oo qaali ah. Halkii taas laga
isticmaali lahaa, Pi wuxuu adeegsadaa xeerka
heshiiska gaarka ah ee laga beddelay shabakadda Stellar (Stellar Consensus
Protocol), kaas oo ku shaqeeya xiriirka kalsoonida ee ka dhexeeya dadka, taasoo
u oggolaanaysa in la (mining ) lana qaybqaato shabakadda xitaa iyadoo la
adeegsanayo taleefan caadi ah.
App-ka Pi wuxuu sidoo kale leeyahay nidaamka xaqiijinta aqoonsiga macaamiisha (KYC – know-your-customer), si loo hubiyo in dad dhab ah ay yihiin kuwa mining . Aasaasayaashu waxay sheegayaan in dad ka badan 60 milyan ay si firfircoon uga qayb qaataan barnaamijka (oo la soo dejiyey in ka badan 100 milyan jeer) laga bilaabo bartamaha sanadka 2025.
Shabakadda
Pi waxay isku tilmaantaa inay dhisayso nidaam barnaamijyo iyo adeegyo ah oo ay
waddo lacagta dijitaalka ah ee Pi (loogu yeero “Pi Platform”). Waxay u aragtaa Pi inay noqon karto hab
lacag-dhaafsi oo maalinle ah dadka dhexdooda, lacag bixin dijitaal ah oo ku
habboon wadamada soo koraya, iyo albaab cusub oo dadka u fura barashada
blockchain-ka. Inkasta oo uu wali mashruuc ku jira wajigii horudhaca ahaa (waxaana hadda la
galay wajiga Open Mainnet),
haddana wuxuu helay dareen ballaaran — iyo muran badan — sababo la xiriira
qaabkiisa cusub ee loo baadho iyo tirada dadka isticmaala oo aad u tiro badan.
Taariikhda iyo Aasaasayaasha Pi Network
Shabakadda Pi (Pi Network) waa hantida dhijitaalka ah ee ugu dambeysay ee la abuuray, waxaana aasaasay saddex arday oo ka qalin jabiyay Jaamacadda Stanford: Dr. Nicolas Kokkalis, Dr. Chengdiao Fan, iyo Vince McPhillip xilliga guga ee 2019.
Dr. Kokkalis (oo haysta PhD ka ah Cilmiga
Kombiyuutarka) iyo Dr. Fan (PhD ) waa lamaane is qaba oo ku kulmay Stanford,
halkaas oo ay ka dhigeen fasal caan ah oo ku saabsan blockchain. Dhinaca kale, Vince McPhillip waa ganacsade bulshada u adeegaya, kaas
oo gacan weyn ka geystay faafinta iyo caan-bixinta mashruuca Pi Network.
Pi
waxaa markii hore loo bilaabay sidii tijaabo;
maalgelintii hore ee mashruuca waxaa lagu helay qaab la yiraahdo SAFE (Simple
Agreements for Future Equity), taasoo ah heshiis fudud oo la siiyo
maalgeliyeyaasha si ay mustaqbalka saamiyo u helaan. Waxaa la sheegaa in
qiimaha qiimaynta mashruuca xilligaas (sanadihii 2019–2020) uu ku dhowaa $20 milyan.
Tiknoolajiyadda Ka Dambeysa Pi Network
Tiknoolajiyadda aasaasiga ah ee Pi Network waa blockchain aan lahayn xadidnaan (permissionless), taasoo adeegsaneysa cilmiga sirta (cryptography) si loo dhiso qaab-dhismeed cusub oo lagu kasbado kalsooni. Tani waxay u oggolaaneysaa isticmaaleyaasha inay si isku mar ah u soo saaraan, u xakameeyaan, uguna qaybiyaan qiimaha dhexdooda.
Si ka duwan Bitcoin ama Ethereum, oo ku saleysan nidaamka caddeynta
shaqada (proof of work), Pi wuxuu ku saleysan yahay Stellar
Consensus Protocol (SCP), taasoo ka dhigeysa xal gebi ahaanba ka duwan
oo gaar u ah Pi Network.
SCP waxaa abuuray David Mazières, oo ka tirsan Jaamacadda
Stanford, waxaana la adeegsanayay tan iyo sanadkii 2015 ee blockchain-ka
Stellar Lumen (XLM). Nidaamka SCP wuxuu keenaa in si tamar yar ah lagu gaaro
heshiis ku saabsan cusboonaysiinta diiwaanka (ledger) ee u dhexeeya qaybaha
kala duwan ee shabakadda.
Isticmaalayaasha Pi Network waxay
qabtaan doorar kala duwan oo muhiim u ah ammaanka iyo kobaca shabakadda:
- Pioneer (Hoorseed):
miningrageyna taleefannadooda
gacanta.
- Contributor (ka qaybqaadasho): Kuwa dhisa "Wareegga Ammaanka" (Security Circle) oo ah 3-5 qof oo
la aaminsan yahay, taas oo xoojinaysa kalsoonida shabakadda.
- Ambassador (Safiir):
Kuwa casuuma dad cusub in ay ku soo biiraan shabakadda.
- Node (Gundhiga):
Kuwa ka shaqeeya software-ka Pi
Node ee kombuyuutaradooda(computers)
si ay u xaqiijiyaan wax kala iibsiga (transactions)
oo ay u ilaaliyaan buug-xisaabeedka (ledger)
shabakadda.
Heerarka Horumarka (Phases of Development)
Pi Network waxay leedahay saddex
heer oo waaweyn oo horumar ah:
- Heerka 1 (Farsamada):
Bilaabidda App-ka iyo dhisidda bulshada.
- Heerka 2 (Tijaabada):
(testing) silsiladda xogta (blockchain) iyada oo la adeegsanayo Pi
Testnet.
- Heerka 3 (Mainnet):
Tani waa heerka ugu dambeeya oo Pi Coin-ta runta ah ay ku shaqaynayso,
waxaana la filayaa in ay halkaas ku noqoto lacag la iibsan karo oo la
isticmaali karo. Tani waxay u qaybsantaa:
- Closed Mainnet (Mainnet-ka Xiran): Halkaas oo Pi loo isticmaali karo oo kaliya gudaha
shabakadda Pi (tusaale ahaan, iibsashada alaabta iyo adeegyada Pi App-ka
dhexdiisa).
- Open Mainnet (Mainnet-ka Furan): Halkaas oo Pi ay si buuxda ula falgali karto lacagaha
kale iyo isweydaarsiga.
Maxaa
Ka Jira Pi Network?
In kasta oo Pi Network ay leedahay
malaayiin isticmaale, haddana waxaa jira dood iyo su'aalo badan oo ku xeeran
mustaqbalkeeda:
- Aan La Iibsan Karin Wali: Ilaa inta aysan gaarin "Open Mainnet," Pi
Coin lama iibsan karo ama lama iibin karo lacagta. Qiimaheedu hadda waa $0
(eber) ilaa shabakadda si buuxda loo furo.
- Waqtiga Sugitaanka (Waiting Period): Muddada uu ku gaarayo Open Mainnet way dheerayd, taas
oo sababtay in dad badan ay ka shakiyaan.
- KYC iyo Xaqiijinta:
Isticmaalayaasha macdanta qodaya waxay u baahan yihiin inay maraan habka KYC
(Know Your Customer) si ay u xaqiijiyaan inaysan ahayn bot (robot), si
looga hortago in hal qof uu qodo Pi badan. Tani waa talaabo muhiim ah oo
ka horaysa inta aan lacagta la wareejin karin.
Mustaqbalka pi network
Mustaqbalka Pi Network wuxuu ku
xiran yahay guusha Open Mainnet-ka. Haddii shabakadda ay awooddo in ay si guul
leh u wareejiso dhammaan isticmaalayaasha xaqiijiyay ee KYC una furto
shabakadda weyn, Pi waxay noqon kartaa mid ka mid ah cryptocurrencies-ka ugu
badan ee la isticmaalo.
Qodobka Muhiimka Ah: Pi Network waxay ku salaysan tahay fikradda ah in dadka caadiga
ah la siiyo fursad ay ugu biiraan karaan kacdoonka cryptocurrency iyada oo
aan la gelin kharash iyo dadaal badan. Haddii ay guulaysato, waxay ahaan
doontaa tusaale muujinaya awoodda shabakad la dhisay oo ay leeyihiin isticmaalayaasha
caadiga ah.



.jpg)
0 Comments